Sawirro:-Qorshaha Fulinta Ballan Qaadyadii Wasaaradaha Xuukuumadda oo bilaawday

Ku-simaha ra’iisul wasaarha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), ahna ra’iisul wasaare ku-xigeen, mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), ayaa maanta daah-furay qorshaha fulinta ballan qaadyadii wasaaraduhu la galeen ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre.

Qorshaha Fulinta Ballan Qaadyadii wasaaradaha ayuu ku-simaha ra’iisul wasaaruhu ka billaabay wasaaradda caafimaadka iyo daryeelka bulshada oo horay ra’iisul wasaare Khayre kula ballantay in sannadkaan ay soo dhamaystiri doonaan shan halbeeg oo waawayn.

Wasiirka caafimaaka iyo daryeelka xukuumadda ayaa maanta saxiixday shanta halbeeg ee horay u ballan qaaday in ay fulin doonto sannadkaan 2019.

Wasiiru dawlaha xafiiska ra’iisul wasaaraha, Cabullaahi Xaamud, oo ka war bixiyay qorshaha fulinta ballan qaadyadii wasiirrada xukuumadda ayaa sheegay in ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka oo mas’uul ka ah daba galka hannaan fulinta ballan qaadyada uu si joogta ah wasaaraha u booqan doono si uu u hubiyo sida ay shaqooyinku uga socdaan wasaaradaha.

Dhammaan wasiirrada xukuumadda ayaa horraantii bishaan Janaayo waxa ay ra’iisul wasaare Xassan Cali Khayre u gudbiyeen halbeegyada ay ku leeyihiin Tubaha Qaranka ee lagu saleeyay dhamaan shaqooyinka dawladda.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor