Gudoomiyaha Golaha Shacabka oo soo saaray Warqad jawaab u ah Xeer ilaaliyaha Qaranka

Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari gudoomiyaha Golaha Shacabka ayaa soo saaray warqad jawaab ah oo ku socota Xeer ilaaliyaha Qaranka Axmed Cali Daahir.

Warqadaan oo ku taarikheysneyd 19 Bishaan ayaa waxaa loogu jawaabayay hadalkii Axmed Cali Daahir Xeer ilaaliyaha Qaranka ee ahaa in labo Xildhibaan xasaanada laga qaado.

Warka qoraalka ah ee ka soo baxay Gudoomiye Jawaari ayaa waxaa lagu sheegay in Gudoonka Golaha Shacabka isaga oo soo gaarsiin codsiga Xeer ilaaliye xAmed Cali Daahir uu Warbaahinta ka sheegay in xasaanada laga qaado Xildhibaanada kala ah Macalin iyo Cabdi saabir Nuur Shuuriye.

Waxaa loogu baaqay in hadda kadib uu tixgeliyo xaalada Siyaasadeed ee dalka ka jira iyo in uu talooyinkiisa uu soo gudbiyo.
Hoos Ka Akhriso Warka qoraalka ah eek as oo baxay Gudoonka Golaha Shacabka.