Duqeyn Diyaaradeed oo Xalay ka dhacday Gobalka Sh/dhxe

Wararka ka imaanaya deegaano ka tirsan Gobalka Sh/dhexe ayaa sheegaya in xalay duqeyn diyaaradeed ay ka dhacday deegaan ay maamulaan Alshabaab isla markaana ay ku daateen ciidan ka tirsan kuwa Kumaadooska Soomaaliya iyo ciidamo kale oo ajnabi ah oo howlgalkaas si wadajir ah u fulinayay.

Ilo deegaanka ah ayaa sheegay in markii hore ay maqlayeen dhawaqa diyaarado dagaal oo jawi hoose ku duulaya kadibna ay maqleen jug xogan oo ka dhaceysa deegaanka taas oo ay u malaynayaan Duqeymo ay geysanayeen diyaradahaan waxaana xigay in ciidan ajaanib ah iyo kuwa Soomaali ah ay gudaha u galeen deegaanka Gamboole oo ah fariisin ay leeyihiin Alshabaab kuna qaadaan dacwadaha kala duwan.

Ma jirto cid xaqiijin karta khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay duqeyntan laakiin deegaanka Gamboole ayaa ah deegaan muhiim u ah Shabaab kuna yaal gobalka Sh/dhexe,Maamulka Hirshabelle wax war ah kama soosaarin howlgalkaan sidoo kalana Maraykanka oo la aaminsanyahay n ay ka dambeyaan duqeynta kamaysan hadal.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media