Gudoomiyaha Gobolka Mudug Oo Iscasilay

Gudoomiyaha Gobolka Mudug Ee Maamulka Puntland  C/qaadir Shire Faarax (Erag) aya lagu soo waramayaa in uu manta iska casilay xilkii gudoomiyenimo.

Gudoomiyaha ayaa warqadihiisa iscasilaada u gudbiyay Madaxweynaha Maamulka Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas.

Sababta Oo Isku Casilay Gudoomiyaha Ma Cadda Balse warar hoose ayaa sheegaya inuu jira khilaaf xoogan oo u dhaxeeyay  Duqa Degmada Gaalcayo iyo Wasaaradda Maaliyada Maamulka Puntland.

C/qaadir Shire Faarax (Erag) ayaa xilkan gudoomiyenimo hayay kaliya shan bilood.