Jaad si qarsoodi loo geliyay Degmo ka tirsan Galmudug oo la gubay

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud ayaa howlgal waxaa ay ka sameeyeen Xaafaddo ka tirsan degmadaas, iyagoona kusoo qabtay qaad badan oo halkaas la geliyay.

Intaas kadib Ciidanka amniga Guriceel oo isugu jiray Boolis iyo kuwa Nabad-sugida ayaa qaadka badan ay soo qaabteen waxaa ay ku gubeen Goob fagaare ah oo ku taalla gudaha degmadaas.

Saraakiisha amniga Guriceel oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in qaadka la gubay si qarsoodi loo soo geliyay gudaha degmada, isla markaana gaadiid looga keenay dhinaca Xuduudka Itoobiya.

Sidoo kale Saraakiisha ayaa sheegay in marnaba aan la aqbali doonin in qaad la keeni deegaanka, si looga hortego faafida Cudurka halista ah ee Coronavirus oo kusii faafaya Caalamka.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa horey u mamnuucay keeni qaadka, waxaana Magaalooyin kala duwan oo ku yaalla dalka lagu gubay qaad badan oo si qarsoodi ah loo keenay, waxaana meelaha lagu gubay kamid ah Muqdisho, Garoowe, Boosaaso iyo Gaalkacyo.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media