(FAALLO): Maxaa iska beddelay xiriirka liitay ee Dowladda Federallka iyo Maamulka Axmed Madoobe ee Jubbaland ?

Dib-u-doorashadda Hoggaamiyaha Maamulka Jubbaland, Axmed Madoobe ayaa waxay mar kale daaha ka rogtay inaysan Dowladda Federalka ku faraxsanayn Nidaamka loo doortay Hoggaamiyahaasi, oo ay dhawaan u codeeyeen Mudanayaasha Barlamaanka Jubbaland oo ay Xildhibhaanadda Barlamaanka Qaranka horey u kala direen.

Siyaasiyiinta ka soo jeeda Goballadda Jubbooyinka iyo Gedo ayaa si waadix ah u mucaaraday Dib-u-doorashadda Axmed Madoobe, waxayna ku tilmaameen inay Doorashadaasi ahayd mid aan Dastuuri ahayn, loona dhamayn.

Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Madoobe ayaa sheegay inuu diyaar u yahay inuu la hadlo, isla markaana qanciyo Siyaasiyiinta iyo Beelaha wax tebanayo Maamulkiisa, inkastoo aysan jirin Waanwaan uu Xilli-hawleedkiisii hore la furay dadka mucaaradsan Maamulkiisa.

Dowladda Federalka, waxay mabda’ ahaan qaadaceen Madashii lagu doortay Axmed Madoobe, inkastoo ay jireen  dhowr Wasiir iyo Xildhibaano goobjoog ka ahaa Tartankii Doorashadda Madaxtinimadda ee Jubbaland ee dhawaan ka dhacday magaalladda  Kismaayo.

Madaxda Saree e Labada Gole ee Dowladda Federalka wey ka gaabsadeen inay ka qeyb galaan Tartankii Madaxtinimadda Jubbaland, kadib, markii ay qoonsadeen qaabka qaldan ee loo agaasimay Tartankaasi, iyadoo aysan Dowladda Dhexe udub-dhexaad ka ahayn Guddoominta Doorashadda Jubbaland.

Warbaahinta Qaranka, gaar ahaan Telefishinka SNTV ayaan haba yaraatee tebinin Qaabkii ay u dhacday Doorashaddii Madaxtinimadda ee Jubbaland, waxayna taasi muujinaysaa inuu weli calawsan yahay xiriirkii guud ee u dhexeeyey Dowladad Federalka iyo Maamulka Jubbaland.

Xiisadda Siyaasadda ayaa taagan, iyadoo ay Beesha Caalamka ka gaabsadeen inay soo hadal-qaadaan Doorashadaasi, marka laga reebo Urur-gobaleedka IGAD oo taageeray, inkastoo ay si dadban ugu goodiyeen inay tallaabo ka qaadi doonaan  cid kasta oo ka hor timaada Maamulka Axmed Madoobe.

Waa hubaal inuusan xiriirka Dowladda Federalka iyo Urur-gobaleedka IGAD abuuri karo Xiisad-siyaasadeed, inkastoo ay Dowladda Federalka horey uga gaabsatay Tallaabadii ay Saraakiil ka tirsan Urur-gobaleedka IGAD, gaar ahaan Ethiopia xilka ay uga qaadeen Guddoomiyihii Gobalka Gedo, Maxamed Cabdi Kaliil.

Xeeldheerayaasha ayaa rumeysan inay Dowladda Federalka ka weji dadbanayso in Faragelin Toos ah lagu sameeyo Qaddiyadda Goballadda Gedo iyo Jubbooyinka, oo uu guux badan ka taagan yahay Maamul ahaan iyo Siyaasad ahaan.

Siyaasiyiinta Goballadda Jubbooyinka iyo Gedo ayaa ku talinayo in la qabto Shirweyne Dib-u-heshiisiin Siyaasadeed iyo mid Beeleed, si loo xaliyo Gocashadda iyo Is-maandiidka taagan, maadaama aysan haatan jirin Maamul Mideysan oo ay ku wada qanacsan yihiin dhamaana Beelaha ku wada nool Goballadaasi.

Si kastaba ha ahaatee, markaynu isku soo duubno, waxaa hubaal ah in Heshiis-gobaleedka Jubbaland la gaari karo, marka la hagaajiyo Xiriirka Dowladda Dhexe iyo Maamulladda Mataanaha Siyaasadeed leh ee  Jubbaland iyo Puntland, maadaama ay yihiin Isbahaysi Siyaasadeed mucaaradsan Dowladda Federalka.

 

© Radio Dalsan