Taliye-xigeenka Ciiddanka Uganda oo yimid Muqdisho, xilli ay socdaan baaritaanadda dilkii ka dhacay Marka.

Iyadoo ay 3 ka tirsan Askarta Uganda ee qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM u xiran yihiin dhacdadii  lagu dilay dhowr qof oo rayid oo ku sugnaa magaalladda Marka ayaa waxaa magaalladda Muqdisho soo gaaray Taliye-xigeenka Ciiddanka Uganda, Jeneral Charles Angina.

Sarkaalkaasi ayaa la sheegay inuu booqday Deegaanadda ay ka hawl-galaan Ciiddanka Uganda ee hoos taga Hawlgalka AMISOM iyo kuwa Khaaska u ilaaliya Madaxda iyo Dhismayaasha QM ku leeyihiin Somalia.

Jeneral Charles Angina waxa uu Ciiddankaasi kala hadlay inay xoojiyaan Ammaanka, dhowraan Anshaxa iyo Badbaadinta dadka rayidka ee ku nool Deegaannadda ay Ciiddanka Uganda ka hawlgalaan.

Waxa uu sheegay inuu aad u wanaagsan yahay xiriirka Wada-shaqeynta ee Ciiddanka Uganda iyo kuwa Dowladda Federalka Somalia, wuxuuna ku baaqay in lama huraan tahay in si toos ah loo maalgeliyo, loona horumariyo Ciiddanka Somalia.

Dhinaca kale, Taliyaha Ciiddanka Uganda ee qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM, Sarreeye Guuto Sam Kavuma ayaa ku tilmaamay Safarka Jeneral Charles Angina mid Taariikhi ah oo lagu dhisayo Mooraalka iyo Dishibiliinka Ciiddanka Uganda ee ku sugan Somalia.

© Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor