(Faallo): Guuxa Taagan ee Dowlad Rasmi iyo Doorasho aan Rasmi ahayn.

Go’aan yididiilo xambaarsan iyo Akhbaar lagu farxo ma noqonin Tallaabadda ay Madaxweynaha, Guddoomiyaha Barlamaanka Federalka iyo Ra’isul-wasaaraha ku shaaciyeen inaysan Somalia ka dhici Karin Doorasho Dimuqraadi ah sannadka soo socda.

Qoddobadda loo cuskaday dib-u-dhacaasi ayaana lagu muujiyey dhaqaale-xumo, amni la’aan iyo carbius la’aanta iyo u diyaar garowga Doorashadda Hal Qof iyo Hal Cod “One Man, One Vote”.

Beesha Caalamka xitaa wey garwaaqsan waayey hadalkaasi, inkastoo ay Ergooyinkii Dowladaha shisheeyaha ay maldaheen carradda ay ka qabaan, waxayna door-bideen inay Dhaqan Diplomaasiyadeed ku muujiyaan inay yaqiinsadeen go’aanka Madaxda Dowladda Rasmiga ee Somalia.

Guux ballaaran ayaana ka dhashay Go’aankaasi, waxaana si isku mid ah uga hor yimid Muxaafidka, Mucaaradka, Xisbiyadda Siyaasadda, Maamul-gobaleedyadda, NGO-yadda Ururadda Bulshadda Rayidka iyo Muwaadiniinta caadiga.

Garowshiyo ayey Dowladda Rasmiga muujisay iyo Dowladda wey ku fashilantay inay Doorasho Rasmi gaarsiiso Qaranka ayaana ah Hadal-haynta ugu xooggan ee aad ka maqlayso goobaha ay ku kulmaam Bulshadda, waxayna dhaliisha uga badan ka imaanaysaa Siyaasiyiinta mucaaradsan Hannaanka Dowladda Federalka u wajahday go’aanka ku aadan inaysan Doorasho ka dhici Karin Somalia marka la gaaro bisha Augsut ee sannadka soo socda.

 

Waxayna intooda badan rumeysan yihiin inay Dowladda Federalka oo ah Dowlad Rasmi ah ay garan la’dahay qaabka ugu habboon ee lagu fulin karo Horumarinta Dimuqraadiyadda, Federalismka, Dib-u-heshiisiinta Siyaasadeed iyo Aayaha Qaranka.

Waana Run inay Muwaadiniinta u arkaan Dowladda Federalka La-mood, noqonse weyday, waayo waxaa lagu haminayey inay Dowladdu hayinka u qaban doonto Hiigsi Cusub iyo Waayo Cusub oo ay ku soo wada hirtaan Soomaalida, gaar ahaan kuwa ku kala qeybsamay Siyaasadda, Awoodaha Xukunka iyo Colaadaha la-siyaasadeeeyey ama kuwa kale.

Xeeldheerayaasha ayaa rumeysan inuu Humaag-siyaasadeed abuurayo Go’aanka lagu laalay Qabsoomidda Doorashadda, waxaana soo baxayo shakiyo badan oo ku aadan Ujeedada Go’aankaasi, Hamiga Dowladda haatan jirto, Masiirka Qaranka iyo Qabsoomidda Doorashadda Qaranka.

Marka doc kasta laga xeeriyo Go’aankaasi, waxaa hubanti ah in Madaxda xilligan uu ku wada jiro Damac Dahsoon oo ku aadan Xilalka ay hayaan, lama oran karo  Dmaacaasi waa mid salka ku haya Waddanimo, illayn waa laga wada dheregsan yahay qaabka ay Madaxdeenna Maanta ku yimaadaan Masraxa Madaxtinimadda Dowladnimo.

Hamigooda Hoggaamineed iyo Damaca Siyaasadeed waxa uu meel-mar noqon kara marka loo gudbo Nidaamka Xisbiyadda badan iyo Madaxtinimadda ku timaaada Doorashadda Tooska ee Dadweynaha ee uu Muwaadin kasta si aan cabsi lahayn codkiisa ugu shubi karo Sanaadiiqda Doorashooyinka.

Waxaana Madaxda la gudboon inaysan qaadin Hawo-siyaasadeed  iyo in wax lagu noqon karo Igar-madaxeedlagu noqon karo.

Muwaadin kasta waxa uu ku haminayaa inay goor ay ahaataba Somalia ka dhici doonto Doorasho Qaran, isla markaana ay fursad u heli doonaan inay codkooda  Muwaadinimo ku doortaan ama ku diidaan Musharixiinta isku soo taagayo Xilalka Qaranka.

Laakiinse, Hamiga noocaasi ayaa haatan u muuqda inuu u shiiqmay sidii baraf meel bacad la dhigay oo kale, maadaama Guuxa Dadweynaha muujinayo inay Xaalladdu taagan tahay La-mood, noqonse weyday.

WQ. Ustaad Nuradin Abokor Ahmed.