(FAALLO): Dabaaldegga 55 guuraddii Madax bannaanidda iyo Israaca Goballadda Koonfurta iyo Waqooyiga Somalia.

Ixtifaalaad iyo Isku soo baxyo ballaaran oo lagu weynaynayo Toddobaadka Xorriyadda Somalia  ayaa waxaa maanta si gaar ah loogu maamusayaa Maalinta Qaranimadda Soomaaliyeed oo ku beegan maanta oo ay taariikhdu tahay 1-da Luulyo.

Damaashaadyo iyo Hilow Walaaltinimo ayaana lagu xusuustaa maanta oo kale 55 sanno ka hor waxay dadka ku noolaa Goballadda Koonfurta Somalia iska tureen Heeryaddii Fashiistihii Talyaaniga ee gumeysan jirey Goballadda Koonfurta iyo Bartamaha Somalia.

1-dii Luulyo ee sannadkii 1960-kii waxaa albaabadda loo laabay Cahdigii Gumeystayaasha Reer Europe ay Shirkii ka dhacay magaalladda Berlin ee dalka Jarmalka sannadkii 1884-kii ku kala qeybsaday Waddamadda ku yaalla Qaaradda Afrika.

Inkastoo muddo 131-sanno laga joogo Qeybsigii Qaaradda Afrika, ayaa waxaa aad loo xusuutaa Tacadiyaddii ba’naa ee ay Gumeystayaashii Europe u geysteen Qaaradda Afrika, waxaana Gumeystayaasha ugu tunka weynaa dalalka Talyaaniga, Britain, Germany, France, Portugal iyo The Netherlands.

Saami-qeybsigii Gumeystayaasha, waxaa dalkeenna kala qeybsaday Gumeystayaashii Britain, Italy iyo France, kuwaasi oo dalkii Somalia u kala qeybiyey shan qeybood oo kala ah Goballadda Koonfurta, Waqooyiga, NFD iyo Reserved Area.

Falsafadda ka dambeysay Gumeystayaasha ayaa ahayd sidii ay u kala qoqobi lahaayeen Ummadda Soomaaliyeed ee uu ka dhexeeyo Dhalashadda, Dhaqanka, Diinta iyo Wada-noolaashaha.

Halgan hubeysan ayaana lagala hor yimid Gumeystayaasha, waxaana la xusuustaa Halyeeyadii safka hore kaga jiray Halgankii Gobanimadoonka, kuwaasi oo laga xusi karo Sayid Maxamed C/lle Xasan, Axmed Garaad “Axmed Gureey” Sheekh Xasan Barsame, Xaawo Taako iyo kuwo kale.

Halgamayaashii 13-kii Dhallinyarro ee dhidibadda u taagay Ururkii Dhallinyarradda ee xornima-doonka Soomaaliyeed ee SYL iyo qeybaha Ururradda Bulshadda ayaana kaalin xooggan ka qaatay Halgankaasi oo ay Kumanaan Halgame ku shahiideen, halka boqolaal kun oo kalena ku muteysteen jirdil iyo Xabsi ciqaab daran lahaa.

Sooyaalka Taariikhda ayaana laga dheehan karaa Halgankii Gobanimadoonka ee ay Ummadda Soomaaliyeed ku mideysnayaeen, waxaana guusha Halgankaasi la gaaray laguna xusuustaa Maalmaha kala ah bishii June 26-dii ee sannadkii 1960-kii iyo 1-dii Luulyo ee isla sannadkii 1960-kii.

Goballadda Waqooyiga Somalia ayaa waxay bishii June 26-dii ee sannadkii 1960-kii ka xorroobeen Gumeysigii Britain, iyadoo Goballadda Koonfurtana ka xorroobeen Gumeysigii Talyaaniga bishii July 1-dii ee isla sannadkii 1960-kii.

Labadaa Gobal ee ay Gumeystayaasha kala qoqobeen ayaa waxay midoobeen 1-dii Luulyo ee sannadkii 1960-kii, waxayna ahayd Maalin Taariikhi ah oo Quluubta Waddaniyiinta Soomaaliyeed ku xardhan.

1-da Luulyo ayaana astaan u ah Xorriyadda Goballadda Koonfurta iyo Israacii Goballadda Waqooyiga iyo Koonfurta Somalia, waxayna Ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan iyo daruuf kasta oo ay ku sugan yihiin maanta si wadajir ah ugu dabaaldegayaan 55-guuraddii Xorriyadda iyo Israaca Midnimadda Somalia.

Inkastoo lagu naaloonayo Xorriyadda dhiigga lagu waraabiyey ayaa waxaa weli la baadi-goobayaa sidii ay xornimo u heli lahaayeen Soomaalida ku nool  dhulkii loo aqooni jirey NFD ee uu Gumeysigii Britain u hibeeyey Kenya.

Soomaalida ku nool Dhulkii la oran jirey Reserved Area ayaa waxay weli ku hoos jiraan gacanta Ethiopia, waxaana muuqata inaysan haatan jirin Halgan Somaliweyn u mideysan oo lagu xoreyn karo  NFD iyo Reserved Area.

Si kastaba ha ahaatee, Muwaadiniinta Soomaaliyeed ayaa waxaa la gudboon inay u midoobaan dib-u-dhiska, soo-celinta nabadda iyo deganaanshaha dalka, iyadoo loo baahan yahay inuu Muwaadin kasta maanka ku hayo in dal kasta ay dhistaan dadkiisa.

©Radio Dalsan