DFS oo shaacisay in Muqdisho laga helay Kiis Cusub oo Coronavirus ah

Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa Caawa shaacisay in Magaalada  Muqdisho laga helay qofkii 8-aad ee qaba Cudurka halista ah ee Coronavirus oo kusii faafaya Caalamka oo dhan.

War qoraal ah oo kasoo baxay Wasaaradda Caafimaadka ayaa waxaa lagu sheegay in Nin Odey ah oo Soomaali ah laga helay Cudurka Coronavirus, kaasi oo degan Muqdisho, isla markaan da’diisu tahay 58-sanno jir.

“Waxaa soo kordhay xaaladii 8aad oo xanuunka COVID-19 lagu xaqiijiyey Waa muwaadin Soomaaliyeed oo lab ah, da’diisuna tahay 58 sano, wuxuuna deegaan ku yahay Muqdisho oo safar kuma iman” ayaa lagu yiri Qoraalka Wasaaradda kasoo baxay.

Ruuxa laga helay ayaa waxaa la geeyay mid kamid ah Xarumaha Caafimaadka ee loogu tagalay in dadka lagu karantiilo.

Waa qofkii labaad ee ka mid ah dadka Muqdisho ku nool oo laga helo Cudurka halista ah ee Coronavirus, waxaana horey u bogsaday hal qof laga helay Cudurka sida ay sheegtay Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media