Faah faahin ka soo baxeysa dagaal ka dhacay duleedka Magaalada Kismaayo

Gelinkii dambe ee Maanta ayaa waxaa duleedka Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose uu dagaal culus ku dhexmaray Ciidamo ka tirsan kuwa Maamulka Jubbland iyo Al-Shabaab.

Dagaalka ayaa yimid akdib markii ay weerar deegaanka buulo Gaduud ku qaadeen Al-Shabaab taas oo keentay in dagaal culus uu halkaasi ka dhacay.

Weli lama cadeyn karo khasaaraha Guud ee labada dhinac ka soo gaaray qaraxaas balse Warar ay Baraha Internet-ka ay ku qoreen Al-Shabaab ayaa waxa ay ku sheegeen in dagaalkaas ay ku dileen 2 ka mid ah Ciidamada Jubbaland.

Mrka lga soot ago hadalka Al-Shabaab weli dagaalkaas dhankooda kama hadlin Saraakiisha Ciidamada Maamulka Jubbalnd ee Kismayo ku sugan.