Wasiir Cabdiraxmaan Beyle oo looga yeeray xafiiska Xeer-ilaaliyaha guud ee Qaranka

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta Cabdiraxmaan Ducaale Beyle  ayaa looga yeeray xafiiska xeer ilaalinta gaar ahaan qeybta qaabilsan danbiyada lidka ku ahaa maaliyadda iyo dhaqaalaha, sida lagu sheegay warqad kasoo baxday xeer ilaalinta.

Si rasmi ah looma ogo eedeymaha loo heysto Wasiirka, balse xeer ilaalinta waxay sheegtay in wax laga weydin doono Arrimo la xiriira maaliyadda uu xafiiska Baaristiisa wado, sidaasi ayaa lagu sheegay Warqad kasoo baxday xafiiska xeer Ilaaliyaha guud ee Qaranka.

Wasiir Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayey xee Ilaalinta ka rajeysay inuu waqtiga ilaalin doono, isla markaana xafiiska xeer ilaalinta tago maalinta Isniinta ah oo ay taariikhdu ku beegan tahay 27-ka bishaan, iyadoona Wasiir la weydiin doono Su’aalo kala duwan.

U yeerida Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa waxaa la Ogeysiiyay Guddiga KMG ah Maaliyadda ee labada Aqal Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo Ra’iisul Wasaaraha.

Hoos ka Akhriso Qoraalka uu soo saaray xafiiska xeer Ilaaliyaha guud ee Qaranka

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor