Dowladda Raashiya oo ku baaqday in Somalia laga qaado Cunaqabatanta Hubka.

Kooxda QM ee Kormeerka Cunaqabataynta Hubka ee saaran dalalka Somalia iyo Eritrea ayaa u gudbisay Golaha Ammaanka ee QM warbixintooda ku aadan Shaqada loo imday.

Petr V. Ilichez oo u dhashay dalka Raashiya ayaa walaac xooggan ka muujiyey tirada sii kordhaysa ee Weeraradda Burcad-baddeeda iyo colaadaha ay dadka Soomaalida ka soo wajahayso Alshabaab iyo Macluusha.

Diplomaasigu waxa uu hoosta ka xariiqay muhiimadda in la xoojiyo Xayraadda dhinaca Hubka iyo Dhuxusha iyo in la kordhiyo Taageeradda la siinayo Hawlgalka AMISOM.

Waxa kale oo uu tilmaamay in loo baahan yahay in DFS laga qaado Xayiraadda Hubka, si ay Ciiddanka  u helaan hubka ay doonayaan.

Waxa uu ku baaqay in dib loo eego isbedelka xaalladaha iyo culayska Cunaqabataynta Hubka.

Amiir C/ladiif C/latta oo ka soo jeeda dalka Masar ayaa sheegay inay jiraan kooxo caqabad weyn ku ah Dariiqa Nabadda iyo Dib-u-dhiska Hay’addaha Dowladda omalia.

Diplomaasiga Wu Haitao oo u dhashay daalka Shiinaha ayaa isagana sheegay Dalalka deriska la ah Somalia inay dani ugu jirto Nabadda Somalia, wuxuuna ku booriyey inay Wada-xaajoodka u isticmaalaan Xajiinta Horrumarinta dhulka.

Axa uu intaasi  ku daray in loo baahan yahay inay Kooxda Kormeerka kaalin muhiim ah ka ciyaaraan Nabadda iyo Ammaanka Somalia, isagoo xusay  inay Dowladiisa  taageero siiyaan Hawlgalka AMISOM iyo dalalka Geeska Afrika.

Olof Skoog oo u dhashay dalka Sweden ayaa isagana tilmaamay   in muhiimadda Koowaad ee Madaxweynaha cusub ee Somalia noqoto Xoojinta Ammaanka Qaranka, wuxuuna dhinaca kale sheegay in Alshabaab weli yihiin khatarta ugu weyn ee Ammaanka Somalia.

Waxa kale oo uu Dowladda Eritrea ugu baaqay inay la shaqeeyaan Kooxda Baarayaasha si loo xaqiijiyo inuusan jirin xiriir Alshabaab iyo inaysan joogin dalkaasi.

©Radio Dalsan