Dhageyso:-Shirkii Wasiirada arimaha Dastuurka oo Maanta la soo gaba gabeeyay

Magaalada Muqdisho waxaa Maanta lagu soo gaba gabeeyay shirk u dhaxeeyay Wasaarada Arimaha Dastuurka dowladda Federaalka Somaliya iyo kuwa Maamul Goboleedyada dalka ka jiray kaas oo mudo Sadax Maalin ah ka socday Gudaha Magaalada Muqdisho.

Muhiimada shirkan ayaa ahaa sidii ay wada shaqeyn rasmi ah u dhexmari laheyd Wasaaradaha Arrimaha Dastuurka ee Dowladda Federaalka iyo Maamul Goboleedyada kuwaas oo isla meel dhigay arimo dhowr ah.

La taliyaha Wasiirka Wasaaradda Dastuurka Sahro Cali Xasan ayaa War-Baahinta u akhrisay qodobadii ka soo baxay shirkaas,waxayna sheegtay in leysku afgartay wada shaqeyn dhexmarta Madaxda Wasaarada Arimaha Dastuurka  dowladda Somaaliya iyo madaxdii ka socotay Maamul Goboleedyada dalka ka jiray.

Sidoo kale Dhamaan madaxdii ka socotay Mamul Goboledyada ayaa waxay sheegen in ay talooyin dhaxalgal ah la wadaagi doonaan Madaxda iyo Shacabka ay matalayaan oo ay ka yimideen.

Ugu dambeen La taliyaha Wasiirka Wasaaradda Dastuurka Sahro Cali Xasan ayaa War-Baahinta u akhrisay qodobadii ka soo baxay shirkaas.

Hoos Ka Dhageyso Codka War-Murtiyeedka

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media