Dowladda Koonfur Afrika oo beenisay in dadka Soomaalida si baahsan loogu dilo dalkooda

Wasiirka Madaxtooyadda ee dalkaasi, ahna Madaxa Guddiga u qaabilsan Arrimaha Muhaajiriinta, Jeef Badahe oo la hadlay Wakaalladad Wararka ee XINHUA  ayaa iska fogeeyey in Shisheeyaha ku nool Koonfu Afrika, gaar ahaan Soomaalida maalin kasta lagu dilo nawaaxiga magaalladda Keeb Taawn.

Waxa uu intaasi ku daray inuusan sax ahayn qeylo-dhaanta ka soo yeeray Guddiga Jaalliyadda Soomaalida ku nool Koonfur Africa

(The Somali Community Board of South Africa (SCBSA), waa sida uu hadalka u dhigay.

Guddiga Jaalliyadda ayaa horey u sheegay in ay Qaxootiga Soomaalida noqdeen Bar-tilmaameedka Dembiydda ka dhashay Isir-nacaybka ka jira dalkaasi.

Warbixin ay Guddiga Jaalliyadda Soomaalida ayaa lagu sheegay in Tobaneeyo qof oo Soomaali ah lagu dilay dalka Koonfurta Afrika tan iyo bilowgii sannadkan, iyadoo dilalka ugu badan ka dhaceen Degaanka ay saboolnimadda baahsan ka jirta ee Khayelitsha, kana tirsan magaalladda Keeb Taawn.

Si kastaba ha ahaatee, Boqolaal Ganacsato Soomaali ah ayaa lagu dilay dalkaasi 20-kii sanno ee la soo dhafaay.