Wasiir-ku-xigeenka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ee dalka Talyaaniga, Mario Giro ayaa booqasho ku jooga caasimadda dalka Ethiopia ee Addis Abeba, isagoo kulamo la yeelanayo Madaxda dalkaasi.
Mas’uulkaasi waxa uu Kulan Khaas ah la yeeshay Wasiiru-dowlaha Arrimaha Diibedda ee Ethiopia, Taye Atskeselasi, waxayna ka wada hadleen Xiriirka Labada Waddan, Arrimaha socdaalka, Ammaanka Somalia iyo guud ahaan Geeska Afrika.
Labada Mas’uul waxay ka wada hadleen xaalladda Nololeed ee Qaxootiga ku sugan Xerooyinka ku yaalla gudaha dalka Ethiopia.
Dhinaca kale, Wasiiru-dowlaha Arrimaha Diibedda ee Ethiopia, Taye Ataskeselasi ayaa sheegay inay ka walaacsan yihiin xaalladda Qaxootiga ku sugan Ethiopia, wuxuuna tilmaamay in ka badan 700,000 oo Qaxooti u kala dhashay Somalia, Koonfurta Suudaan iyo Eritrea ay ku nool yihiin Xerooyinka Qaxootiga ee Ethiopia.
Hay’adda QM ugu qaabilsan Arrimaha Qaxootiga ee UNHCR ayaa ka mas’uul ah Daryeelka Qaxootigaas.
© Radio Dalsan