Guddoomiye Aadan Madoobe oo mar kale QM kala hadlay A/dib u heshiisiinta K/Galbeed

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta xafiiskiisa kulan kula qaatay Ku-xigeenka Ergeyga gaarka ah ee Xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan Kaalmaynta Soomaaliya ee (UNSOM), Anita Kiki Gbeho.

Kulanka Guddoomiyaha iyo Marwo Anita Kiki ayaa looga hadlay arrimaha mudnaanta u leh dib u heshiisiinta deegaannada Koonfur Galbeed, iyadoo xustay inay UNSOM taageereyso dadaalada uu garwadeenka ka  yahay Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS si loo helo isfaham bulsho loona sii amba qaado xorreeynta deegaannada Al-shabaab go’doomiyeen.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa gunnaanadka kulanka ayuu Marwo Anita Kiki Gbeho oo ah Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay Arrimaha Kaalmeynta Soomaaliya la wadaagay halka ay mareyso arrimaha dib u heshiisiinta  Koonfur Galbeed.

Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa Ku-xigeenka Ergeyga gaarka ah ee Xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan Kaalmaynta Soomaaliya la wadaagay inuu kulamo la qaatay siyaasiyiinta ka aragti duwan Koonfur Galbeed.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor