Dolwada Kenya oo bartilmaamedsatay 13 xafadood oo looga shakiyay Al Shabab

Wasiirka arimaha gudaha dalka Kenya Joseph Nkaisserry, ayaa sheegay in ciidamadooda ay beegsadeen 13 xaafadood oo ka tirsan keymaha Boni iyo Magaalada Gariss ee waqooyi bari dalka Kenya, halkaasoo uu sheegay in ay uga shakiyeen in ay deganaayeen dagaalamayaal ka tirsan Al Shabab.

Wasiirka ayaa dhawaan waxaa uu ku dhawaaqay in deeganada ay hada beegsadeen ay yihiin meelaha ugu badan ee Al Shabab ay kusoo abaabulaan werarada ka dhaca dalkaasi.

Sidoo kale Wasiirka arimaha gudaha dalka Kenya Joseph Nkaisserry, ayaa hadlkiisa sii raaciyay in sanadkii lasoo dhaafay ay weraro Al Shabab ay ka geysteen deeganada ay hada ku beegsadeen Al Shabab sida Tana River, Garissa iyo Lamu.