Akhriso:-Warar Dheeraad ah hoobiyeyaal ku soo dhacay Xaafad ka tirsan Mqudisho

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya tiro hoobiyayaal ah oo Maanta ku soo dhacay xaafado ka tirsan degmada Wadajir ee gobolkan Banaadir,kuwaas oo la sheegayo in ay wax ku noqdeen dad Shacab ah.

Dad ku sugan degmada Wadajir ayaa waxa ay sheegeen in ilaa saddex hoobiye ay ku soo dhaceyn Obasiibka Xaafada Xalane ee degmada wadajir,isla markaana mid ka mid ah uu ku dhacay guri ay deganaayeen Dad Shacab ah.

Sidoo kale waxaa la soo sheegayaa  in hoobiyaasha ay waxyeeleeyeen Qoys guri ku wada noolaa,sidoo kale ay ku dhaceyn dugsi Qur’aan ku yaalla xaafada Xalane.

Qaar ka mid ah dadka ku dhaawacmay Hoobiyeyaashaas ayaa waxaa loo qaaday qaar ka mid ah  isbitaalada ku yaalla muqdisho si loogu daweeyo.

Maamulka degmada Wadajir weli kama hadlin hoobiyeyaashaas qeybo ka tirsan degmada Wadajir ku soo dhacay,waxana gurmad dadkaasi ku waxyeeloobay u sameeyey dadka ku nool Obasiibka Xaafada Xalane ee degmada Wadajir.

Hoobiyaashaas ku soo dhacay Xaafado ka tirsan degmada Wadajir ayaa waxa uu ku soo aadayaa xilli Maanta inta badan Muqdisho Wadooyinkeeda ay xiran yihiin,isla markaana Muqdisho ay ka socdaan dabaaldegyada Munaasabadda 1-da luulyo.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor