Diyaarada Turkish Airlines oo saakay si rasmi ah u bilawday duulimeedkeeda Muqdisho

Diyaarada Turkish Airlines ayaa Maanta oo sabti ah si rasmi ah u bilawday duulimaadyadeeda toos ah ee Muqdisho sida aan ka soo xiganay saraakiisha Turkiga ee Soomaaliya ku sugan.

Barta Twitterka ee Turkiga Soomaaliya (Turkey in Somalia ) ayaa lagu sheegay in diyaarada ay jadwalkeeda shaqo ay Maanta bilawday.

Turkish airlines ayaa si rasmi ah u joojisay duulimaadyadii ay ku imaan jirtay Muqdisho horaantii bishii Febraayo ee sanadkan,kadib markii uu qarax ka dhex dhacay diyaarada Daallo airlines.

Al Shabab ayaa sheegatay masuuliyada qaraxasi oo uu ku dhintay ninkii doonayay inuu qaraxa fuliyo oo diyaarada ka soo dhacay.