Dhageyso:-Wasiir Goodax “Waxaan arkay Arday Uma Ekeyn dad Dhagax tuuraya oo aan Caadi aheyn baan la Kulannay”

Wasiirka Waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Goodax Barre,Kusimaha Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho ah ku xigaha dhanka duqa ee maamulka iyo Maaliyada Mudane Xuseen Maxamed Nur iyo Kuxigeenka duqa dhinaca arrimaha Bulshada iyo wacygelinta Basma Caamir Axmed iyo Daladaha Waxbarasho ayaa maanta kulan gaar ah kaga arinsaday Aqalka dowladda Hoose ee Xamar arrimaha la xiriira hakinta imtixaanadkii dowladda ee xalay la baabi’iyay.

Maamulka Gobolka Banaadir Banaadir iyo Daladaha waxbarasho ee dalka ka jira ayaa ku garab istaagay wasaaraadda waxbarashada Go’aankeedii ahaa in 27ka dib loo bilaabayo imtixaanadka Wasaarada, maadama shaqsiyaad ay banaanka soo dhigeen madooyinka qaar ee ardeyda galayeen.

Wasiirka Waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdullahi Goodax Barre oo warbaahinta la hadlay ayaa waxaa uu sheegay in uu Maanta u tegay Arday badan oo Banaanbax ka dhan ah ahaa Go’ankii lagu joojiyay Imtixaankiii shahaadiga ahaa ka dhigay Muqdisho,waxaana Ardaydaas oo uu u tilmaamay in aysan aheyn aheyd.

“Waxaan isku dayey inaan ardeyda la hadlo,Waxaan arkay Arday Uma Ekeyn dad Dhagax Tuuraya oo aan Caadi ahayn baan la Kulannay,Aniga Waxaan aamisanahay waa nalookaga badnaa haddaan nahay Bahda Waxbarashada wixii dariiqa taagnaa”ayuu yiri Wasiir Goodax.

Madaxda iyo mas’uliyintii shirkaan ka qeyb galay ayaa ugu baaqay ardeyda iyo walidiinta Soomaaliyeed inay gartaan muhiimada ah in aan ubaxa dalkaan u soo baxaya laga siyaasadeen waxbarashadooda.

Magaalada Muqdisho ayaa Maanta waxaa banaanbaxyo xoogan ka dhigay Ardayda waxka barata Iskuulada waaweyn ee ku yaalla Magaalada,isla markaana ka cabanayay Go’aankii xalay uu ku dhawaaqay Wasiirka Waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee lagu joojiyay Imtixaankii Shahaadiga ahaa oo u socday,iyagoona galay saddex maalin,hayeeshee Wasiir Goodax uu shaaciyay in gabi ahaanba la baabi’iyay Imtixaankaas dibna loo gili doono.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media