Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dilal qorsheysan oo siyaabo kala duwan xalay uga kala dhacay Xaafado ka tirsan degmooyinka Gobolkaan Banaadir.
Dilka koowaad ayaa waxa uu ka dhacay degmada howl-wadaag ee Magalada Muqdisho,waxaana dilkaas ka soo baxaya warar kala duwan,hayeeshee wararka qaar ayaa waxa ay sheegayaan in uu ahaa xubin ka tirsan Maamulka degmada howl-wadaag.
Sidoo kale rag hubeysan ayaa xalay xaafada dabakaaya madow ee degmada Dharkenley waxa ay ku dileen nin Oday ah oo aad looga yaqaanay xaafadaas.
Qof ka mid ah Shacabka Xaafada dabakaaya madow ee uu dilka ka dhacay ayaa waxa uu uu sheegay in ninka la dilay lagu magacaabi jiray Xasan Gaadaay,isla markaana dadkii ka dambeeyey dilkaasi ay baxsadeen.
Laamaha amniga Soomaaliya weli wax faah faahin ah kama bixin dilalka xalay ka dhacay dharkenley iyo howl-wadaag,waxaana ay ku soo aadayaan xilli ciidada dowladda ay ku jiraan feejignaan amni.