Somaliland oo u debaal degeysa maalinta 18 May

Maamulka Somaliland ayaa Maanta u debaal degaya 18 May oo ah markii ay ku dhawaaqen iney ka go’een dalka intiisa kale.

Munaasabado kala duwan ayaa ka socda magaalada Hargeysa iyo guud ahaan Somaliland si maalintan ay u xusan.

Weli Somaliland ma aysan helin madax banaani la aqoonsaday tan iyo markii ay shaaciyen iney ka madax banaan yihiin Soomaaliya 25 sanno ka hor.

Ciidamada ammaanka Hargeysa ayaa dhawaan ku qabtay magaalada Hargeysa waxyaabaha qarxa iyo rag lala xiriiriyay iney waden falal amni daro.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor