Dhageyso:(Sawirro):Raisul Wasaare kuxigeenka oo ka qeyb galay kulan looga hadlayay Dardargalinta Howlaha Wasaaradda Maaliyadda

Raisul Wasaare kuxigeenka Xukuumada Federaalka iyo Wasiiru-Dowlada Wasaaradda Maaliyadda ayaa maanta waxa ay la kulmeyn shaqaalaha wasaaradda Maaliyadda,kulanka ayaa ka dhacay Xarunta Wasaaradda waxaana Madasha kusugnaa Xeer ilalaiyaha Guud ee Qaranka iyo Kusimaha Hanti Dhowraha.

Kulanka ayaa ujeedkiisu waxa uu ahaa dardar galinta howlaha wasaaradda iyo dardaaran loo jeedinayay Shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda,kaa oo ku aadanaa in ay dhowraan Hantida Dowladda.

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Maaliyadda Maxamuud Xayir Ibraahim ayaa la hadlay Shaqaalaha waxaana uu ku dhiira kaliyay in ay si wanaagsan Qaranka ugu shaqeeyaan kana fogaadaan wax isdaba marin.

Raisul wasaare Kuxigeenka Xukuumada Federaalka Mahdi Axmed Guuleed (Qadar) oo lahadlay Shaqaalaha ayaa sheegay in looga baahan yahay in ay mas,uuliyad muujiyaan.

Halkan ka dhageyso Raisul Wasaare kuxigeenka Mahdi Qadar: