Dabley hubeysan ayaa Caawa waxa ay Degmada Hoden gaar ahaan agagaarka Isgoyska Black Sea ku dileen Askari ka tirsanaa Ciidamada Dowladda Soomaaliya.
Dad goobjoogayaal ah ayaa Dalsan waxa ay u sheegeen in Rag bastoolado ku hubeysnaa ay toogteen Askari oo ka tirsanaa Ciidamada Dowladda Soomaaliya xili oo ku sugnaa meel ku dhow Isgoyska Black Sea ee Degmada Hoden ee Gobolka Banaadir.
Ragii ka dambeeyay dilka askariga ayaa durbo goobta ka baxsaday.
Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya oo aan ka fogen goobta uu dilka ka dhacay ayaa gaaray,iyaga oo halkaasi ka qaaday meydka askarigii la dilay,,waxaana halkaasi ay ka wadaan baaritaano ku aadan sida uu u dhacay dilka.
Inta badna degmooyinka Gobolkan Banaadir ayaa mararka qaar waxaa ka dhaca dilal,waxaana mas’uuliyadooda sheegta Al-Shabaab.