Dhageyso:Gudoomiyaha Golaha shacabka oo maanta muqdisho ka furay shirweyne looga hadlayo dibu eegista Dastuurka

Shirweynahan ayaa axdii maanta ka furmay Magaalada Muqdisho,waxaana daah furay Gudoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.

Kulanka ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiirada Dastuurka ee Maamul Goboleedyada,waxaana  madasha kusugnaa xubno katirsan  Baarlamaanka Federaalka.

Wasiirka Dastuurka Xukuumada Federaalka C/raxmaan Xoosha Jibriil ayaa faah-faahin ka bixiyay ujeedka Shirweynahaasi,waxaana uu sheegay in muhiimada ay tahay in wadatashi balaaran ay sameeyaan si ay usoo baxaan wax mira dhal ah.

Gudoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Maxamed Sheekh Csmaan (Jawaari) ayaa ka hadlay kulankaasi,waxaana u sheegay intaasi ay mujineeso ahmiyada wadatshiga iyo in Maamul Goboleedyada ay talo ku leeyihiin dibu eegista Dastuurka

Halkan ka dhageyso Gudoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari:

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media