DHAGEYSO: Ra’isul Wasaare Kheyre oo ka Hadlay Geerida Wasiir Cabaas

Ra,isul wasaare Soomaaliya Xassan Cali Kheyre ayaa ka hadlay geeridii ku timid allaha unaxariistee wasiirkii howlaha guud Cabaas C/laahi Sheekh Siraaji oo xalay lagu dilay Muqdisho.

Ra’isul wasaare Kheyre ayaa ka tacsiyadeeyey geerida ku timid marxuum Cabaas oo ahaa wasiirkii ugu da’da yaraa xukuumada, waxaana uu sheegay inuu ahaa wasiir ka muuqday xukuumada oo jeclaa dadka iyo dalka wax u qabashadiisa, waxaa uu dhamaan uga tacsiyadeeyey qoyska, ehelka iyo umada Soomaaliyeed geeridii naxtinta badneyd ee ku timid wasiir Cabaas.

Halkaan hoose ka dhageyso Codka