Wararka saakay naga soo gaaraya Xadka ay wadaagaan Gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ayaa waxa ay sheegayaan in dhaq dhaqaaqyo Ciidan ay halkaasi ka wadaan Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa AMISOM.
Shalay ayay Ciidamadu la wareegeen deegaanka fiidow oo ay horay ugu sugnaayeen Al-Shabaab iyo tuulooyin kale,waxaana Maanta halkaasi ka jira dhaq dhaqaaqyo Ciidan iyo xiisad u dhaxeysa Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM oo garab ah iyo Al-Shabaab.
Dadka deegaanka Fiidow qaarkood ayaa Dalsan waxa ay u sheegeen in maanta ay cabsi dareemayaan iyaga oo ka walwalsan in dushooda lagu dagaalamo.
Saraakiisha Ciidamada xoogga dalka ee Gobolka Hiiraan ayaa waxa ay sheegeen in ay wadaan howlgal la isugu furayo Wadada xiriirisa Magaalooyinka Jowhar iyo Buulo burde ee Gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe oo Al-Shabaab ay ku sugan yihiin.
Shalay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya iyo taliyaha xoogga dalka waxa uu ku amray in la dardar geliyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.