Dhageyso:-Amaro la dul dhigay Hay’adaha ka howlgala Magaalada Baladweyne

Maamulka Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa war ka soo saaray Amaro dhawaan ka soo baxay Hay’aadaha kala duwan ee ka howlgala gudaha Baladweyne,kaasi oo ku aadan in aysan Hay’addaha hoostigi kari maamulkaas.

Guddoomiye kuxigeenka amniga Magaalada Baladweyne Maxamed Cali Maxamed oo warbaahinta la hadlay ayaa waxa uu been abuur ku tilmaamay Amaradaas ka soo baxay Hay’addaha ka howlgala Baladweyne,isla markaana waxa uu sheegay in Hay’addaha looga baahan yahay inay hoos yimaadan maamulka Magaalada Baladweyne.

Sidoo kale waxa uu Digniin u diray Ha’adaha aan maamulka ka heysan saxiix ay uga howlgalaan gudaha Baladweyne,isagoona xusay in tallaabo adeg oo sharci ah laga qaadi doono.

Waa warbixintaan Magaalada Baladweyne ka soo diray Wariyaha Warbaahinta Dalsan Mustaf Cali Cadow.

 

 

 

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media