Dhageyso:-Ganacsatada Xoolaha Nool ee D/Afgooye oo ku dhow in ay kala tagaan

Ganacsatada Geella ka Ganacsada ee ku nool degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha hoose ayaa cabasho ka muujiyay rag doonaya in ay baaraan goobaha lagu iibiyo Geella oo ku yaalla Gudaha degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha hoose.

Ganacsatadan qaarkood oo la hadlay Xafiis Wareedka Radio Dalsan ee Gobolka Shabeellaha hoose ayaa waxa ay sheegeen in ay jireen rag dano gaar ah kuwaas oo isku sheegaya in ay yihiin Hay’addo kuwaas oo doonaya in sisharcidaro ah in ay ku dhistaan goobihii ay ku Ganacsanayeen sida ay hadalka u dhigeen.

Xaaji Geesdeer,oo kamid ah Ganacsatada Geella ee degmada Afgooye ayaa sheegay in tan iyo burburkii dalka ka dhacay ay la shaqeyn jireen Maamuladii kala duwanaa ee soo maray degmada Afgooye balse haatan ay shaqsiyaad gaar ah oo doonaya in dhulkii lagu xareynayay Geella ay la wareegaan.

Ugu dambeen waxa ay ugu baaqeen Maamulka degmada Afgooye in kan Koonfur Galbeed in ay arintaan faraha la soo galaan si ay wax uga qabtaan.

Hoos Ka Dhageyso Codka