Kenya: Muwaadin Soomaali haysta dhalashada dalka New Zealand oo la sii daayey

Maxkamadda Degmadda Gaarisa ee W/bari dalkaasi waxay Xabsiga ka sii daysay Muwaadinkaasi oo lagu magacaabo Sulub Warfaa oo 36-jir ah, kaasi oo gacanta Boliska ku jiray muddo dhowr maalmood.

Sulub Wafaa oo Suxufiyiinta kula hadlay bannaanka Maxkamadda Garissa ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay in uu dib u helo Xorriyadiisa, wuxuuna sheegay inaan wax jir-dila ah lagu sameynin.

Waxa uu sheegay in loo xoray isagoo ku dhashay Muqdisho, wuxuuna hoosta ka xariiqay inay taasi la micno ahayn inuu yahay Argagixiso, waa sida uu hadalka u dhigay Sulub Warfaa oo isaga iyo 10-qof oo kale isbuucii hore lagu xiray meel ku dhow xuduudka Kenya iyo Somalia.

Hay’addaha Ammaanka Kenya waxay horey ugu soo eedeeyeen Ninkaasi inuu watay 2 Baasaboor oo dalka New Zealand oo magacyo kala duwan ku qornaa.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media