DHAGEYSO: Diyaarad Gargaar oo ku Wajahan Dhuusa Mareeb

Dowaladda federaalka Soomaaliya ayaa degmada Dhuusa mareeb ee xarunta gobolka Galgaduud maanta u direysa diyaarad sida gargaar, looguna tala galay dadka ay saameysay abaarta ee ku sugan deegaanada maamulka gobolada dhexe.

Muxudiin Jakuula oo ah madaxa warfaafinta ee maamulka gobolada dhexe ayaa Radio Dalsan u sheegay in ra’isul wasaare Kheyre xalay uu cadeeyey in maanta oo talaada ah ah diyaarad gagaar dowladu u direyso magaalada Dhuusa mareeb, islamarkaana biri ay tagi doonto diyaarad kale oo wada dawooyin, si wax looga qabto xaaladaha caafimaad ee ka jira Galgaduud.

Halkaan hoose a dhageyso Codka.