• JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Wednesday, May 14, 2025
  • Login
Radio Dalsan
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Play
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
No Result
View All Result
Radio Dalsan
No Result
View All Result
Home Caalamka

Nabadoon Caan ka ah Puntland oo Xabsiga la dhigay & Hay’ado walaac ka muujiyay

Dalsan Editor by Dalsan Editor
November 2, 2018
in Caalamka, Warar, Wararka Idaacadda, Xulasho, XULKA WARARKA
Reading Time: 4 mins read
A A
0
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter

Hay’adda difaaca xuquuqda aadanaha ee Puntland (OPHRD) ayaa walaac ka muujisay “tacaddiyo ka dhan ah xuquuqda aanaha” oo ku soo badanaya Puntland.

Madaxa hay’addaas Maxamed Yuusuf cali oo BBC u warramay ayaa xukuumadda Puntland ku eedeeyey inay ku kacayso “tacaddiyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha” xilli doorasho la isu diyaarinayo.

Wuxuu sheegay in falkii ugu dambeeyey uu ahaa kii Khamiistii lagu xiray magaalada Boosaaso nabadoon C/qadir Xarrago oo ka mid ah isimada Puntland.

Wuxuu kaloo madaxa hay’adda difaaca xuquuqda aadanaha ee Puntland tusaale u soo qaatay dad uusan sheegin tiradooda hase yeeshee uu yiri “waxay lagu xiraa koontaroolka galbeed ee Garowe, ayadoo la yraahdo waxaa looga shakisan yahay argagixiso”.

Maxamed Yuusuf Cali oo BBC ay weydiisay sababta uu hadalkiisa ugu soo aaddiyey xilli Puntland ay doorashooyin ka dhacayaan ayaa sheegay in xafiiskooda “uu dawladda u yahay la taliye, kasoo u sheega wixii u baahan in la toosiyo, laakin hadda ujeedadeennu waa in aan ka sii digno waxyaabaha soo socda”.

Wuxuu walaac ka muujiyey arrin uu sheegay in guddiga amnigu ay soo saareen oo ah “in aan hoteellada lagu shiri karin ayadoo aan ogolaansho la haysan”.

Arrintaas ayuu sheegay in ay lid ku tahay xaqa isu imaatinka, gaar ahaan xilli la filayo in murashaxiin ay yimaadaan oo ay ololayaashooda doorasho qabsadaan.

BBC ayaa dhinaca kale la xiriirtay maamulka Puntland si ay fursad ugu siiso inay eedeymahaas ka jawaabaan.

Wasiirka warfaafinta ee Puntland cabdi Xirsi Cali (Qarjab) oo BBC ay wax ka weydiisay eedeeynta loo jeediyey ayaa ku tilmaamay kuwo waxba kama jiraan ah.

“Wax ka dhan ah xuquuqda aadanaha oo Puntland cid joogta lagu sameeyo meesheey doonto ha ka timaadee ma garan karo mana maqal” ayuu yiri Mr Qarjab.

Wasiirka warfaafinta ee Puntland cabdi Xirsi Cali (Qarjab) ayaa sidoo kale ka hadlay xariga nabadoon C/qadir Xarrago oo uu sheegay in sababta loo xiray ay tahay in uu ku hadlay hadlo “qalqal” galin kara xasiloonida Puntland

“Ninkaa nabad doonka ah idaacadaha ayuu ka hadlay wax qalqal galinaya xasiloonida Puntland ama nidamkeeda meel uga dhacaya ayuu ku hadlay,xaq baana loo leeyahay in haddii uu qofka wax aysan shaqdiisa ahayn sameeyo umadda wax u dhimmi karta waa tallaabo in laga qaado sharciga la horkeeno”ayuu yiri wasiirka.

Wasiirka oo aan wax ka waydiinay hadalada amniga qalqalka galin kara ee uu nabadoonka ku hadlay ayaa ka gaabsaday in uu sharaxaad ka bixiyo.

Wasiirka warfaafinta ee Puntland cabdi Xirsi Cali (Qarjab) ayaa dhanka kale difaacay tallaabada la sheegay in lagu mamnuucay in shirar lagu qabto Huteelada,xilli ay Puntland ku soo fool leedahay doorasho.

Wasiirka ayaa xusay in sababo ammaan darteed loo qaaday talaabadaasi si buu yiri loo sugo amniga islamarkana musharaxiinta ay xaq u leeyihiin in ay shir qabtaan.

“Si loo ogaado koontaroolka ammaankooda oo looga qayb qaato oo dadka intaa dhan oo shirka isugu imanaya aan dhibaato uga imaan masuuliyadeedu dowladda ayay saaran tahay iyo gudiga nabad galyada”ayuu yiri Mr Qarjab.

Bisha Janaayo ayaa lagu wadaa in doorashada madaxweynenimada ee Puntland oo xilligeedii dib uga dhacday lagu qabto magaalada Garowe.

BBC SOMALIA

Previous Post

Muqtaar Roobow”Hadii aan guuleysto Goobo Diinta iyo Culuumta Maadiga lagu barto ayaan ka hirgelin doonaa K/Galbeed”

Next Post

Dhageyso:Warka Habeen Ee Radio Dalsan

Dalsan Editor

Dalsan Editor

Related Posts

“Mashaariic Talyaani Maalgelinayo oo Laga Fulayo Maamul Goboleedyada
Warar

“Mashaariic Talyaani Maalgelinayo oo Laga Fulayo Maamul Goboleedyada

May 14, 2025
“Madaxda Hore oo Ka Digay Fidno Siyaasadeed oo Ka Bilaabatay Jubbaland”
Warar

“Madaxda Hore oo Ka Digay Fidno Siyaasadeed oo Ka Bilaabatay Jubbaland”

May 14, 2025
Madaxweyne Deni: Madasha Muqdisho Waa Qorshe Lagu Burburinayo Jubbaland iyo Madax-bannaanida Maamul Goboleedyada
Warar

Madaxweyne Deni: Madasha Muqdisho Waa Qorshe Lagu Burburinayo Jubbaland iyo Madax-bannaanida Maamul Goboleedyada

May 14, 2025
“Booliska oo Qabtay Koox Dilal ka Fulisay Muqdisho”
Warar

“Booliska oo Qabtay Koox Dilal ka Fulisay Muqdisho”

May 14, 2025
Trump to Meet Syrian Leader in Saudi Arabia Amid Historic U.S. Sanctions Reversal
Wararka Idaacadda

Trump to Meet Syrian Leader in Saudi Arabia Amid Historic U.S. Sanctions Reversal

May 14, 2025
Kulamo Siyaasadeed oo Ka Socda Nairobi oo oo Looga Soo hor Jeedo Madaxweyne Xasan Sheekh
Warar

Kulamo Siyaasadeed oo Ka Socda Nairobi oo oo Looga Soo hor Jeedo Madaxweyne Xasan Sheekh

May 14, 2025
Next Post

Dhageyso:Warka Habeen Ee Radio Dalsan

“Mashaariic Talyaani Maalgelinayo oo Laga Fulayo Maamul Goboleedyada

“Mashaariic Talyaani Maalgelinayo oo Laga Fulayo Maamul Goboleedyada

by Ilhaan
May 14, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta guddoomiyay kulanka Guddiga Sare ee Sanduuqa Nabadda iyo Xasilloonida Soomaaliya...

“Madaxda Hore oo Ka Digay Fidno Siyaasadeed oo Ka Bilaabatay Jubbaland”

“Madaxda Hore oo Ka Digay Fidno Siyaasadeed oo Ka Bilaabatay Jubbaland”

by Ilhaan
May 14, 2025
0

Koox ka kooban madax hore iyo hoggaamiyeyaal xisbi oo si weyn looga qadariyo siyaasadda Soomaaliya ayaa maanta si wadajir ah...

Madaxweyne Deni: Madasha Muqdisho Waa Qorshe Lagu Burburinayo Jubbaland iyo Madax-bannaanida Maamul Goboleedyada

Madaxweyne Deni: Madasha Muqdisho Waa Qorshe Lagu Burburinayo Jubbaland iyo Madax-bannaanida Maamul Goboleedyada

by Ilhaan
May 14, 2025
0

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa si adag uga hadlay mowqifka Puntland ee ka bixitaanka madasha siyaasadeed ee dhawaan lagu...

“Booliska oo Qabtay Koox Dilal ka Fulisay Muqdisho”

“Booliska oo Qabtay Koox Dilal ka Fulisay Muqdisho”

by Ilhaan
May 14, 2025
0

Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Gaashaanle Cabdifitaax Aadan Xasan, ayaa maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho, isagoo si cad u...

“Mashaariic Talyaani Maalgelinayo oo Laga Fulayo Maamul Goboleedyada
Warar

"Mashaariic Talyaani Maalgelinayo oo Laga Fulayo Maamul Goboleedyada

May 14, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
“Madaxda Hore oo Ka Digay Fidno Siyaasadeed oo Ka Bilaabatay Jubbaland”
Warar

"Madaxda Hore oo Ka Digay Fidno Siyaasadeed oo Ka Bilaabatay Jubbaland"

May 14, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Madaxweyne Deni: Madasha Muqdisho Waa Qorshe Lagu Burburinayo Jubbaland iyo Madax-bannaanida Maamul Goboleedyada
Warar

Madaxweyne Deni: Madasha Muqdisho Waa Qorshe Lagu Burburinayo Jubbaland iyo Madax-bannaanida Maamul Goboleedyada

May 14, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
“Booliska oo Qabtay Koox Dilal ka Fulisay Muqdisho”
Warar

"Booliska oo Qabtay Koox Dilal ka Fulisay Muqdisho"

May 14, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Trump to Meet Syrian Leader in Saudi Arabia Amid Historic U.S. Sanctions Reversal
English News

About

Radio Dalsan

Radio Dalsan

Radio Station

Radio Dalsan was established in April 2012 in Mogadishu, Somalia with FM frequency 91.5MHz . The radio is registered with the federal ministry of information in Somalia. Dalsan is an independent and autonomous FM Radio station. The radio broadcasts for 18 hours in Somalia and also the Radio is on satellite broadcasting to Africa and Asia.

Follow us

Categories

  • Africa
  • Barnaamijyada
  • Bilan Media
  • Caafimaadka
  • Caalamka
  • Diini
  • English News
  • Maqal
  • Muuqaal
  • Opinion
  • Podcast
  • Warar
  • WARARKA AF INGIRIISIGA
  • Wararka Idaacadda
  • Wareegga Wararka
  • Wareysiyada
  • World News
  • Xulashada Ciyaaraha
  • Xulasho
  • XULKA WARARKA

Recent Posts

  • “Mashaariic Talyaani Maalgelinayo oo Laga Fulayo Maamul Goboleedyada
  • “Madaxda Hore oo Ka Digay Fidno Siyaasadeed oo Ka Bilaabatay Jubbaland”
  • Madaxweyne Deni: Madasha Muqdisho Waa Qorshe Lagu Burburinayo Jubbaland iyo Madax-bannaanida Maamul Goboleedyada
  • “Booliska oo Qabtay Koox Dilal ka Fulisay Muqdisho”

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In
No Result
View All Result
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

-
00:00
00:00

Queue

Update Required Flash plugin
-
00:00
00:00