Dhageyso:- Cameey’Magaca Dhalinyarada Somaaliyeed si qaldan ayaa loo adeegsaday

Madaxweyne ku xigeenka Maamul Goboleedka Somaaliyeed ee Puntland Cabdixakiin Xaaji Cumar(Cameey) ayaa sheegay in waqtigaan magaca dhalinyarada Somaaliyeed si qaldan ama xun loo adeegsaday islamarkaana lagu dhibaateeyay Shacabka Somaaliyeed.

Mudane Cameey,ayaa sheegay in isaga marwalba uu dib u xasuusto taariikhihii ay la haayeen dhalinyarada Somaaliyed iyo sida ay hada u shaqeeyaan dhalinyarada Somaaliyeed oo dalka jooga oo dhibaatada dalka ka jirta horseed u noqday sida uu hadalka u dhigay.

Wuxuu ugu baaqay dhalinyarada ku nool deegaanada Maamulka Puntland iyo guud ahaan Somaaliya in ay yihiin Mustaqbalka Berito islamarkaana loo baahan yahay in ay isbedel sameeyaan islamarkaana ay ka fikiraan Sadax Arimood oo kala ah Midnimo,Nabadgelyo iyo Horumar  loogana baahan yahay in ay hormuud u noqdaan.

Hadalkaan ayaa Madaxweyne ku xigeenka Maamul Goboleedka Somaaliyeed ee Puntland Cabdixakiin Xaaji Cumar(Cameey) waxa uu ka jeediyay Munaasabad lagu maamuusayay 15 May Maalinta Dhalinyarada Soamaliyeed oo maanta lagu qabtay Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal.

Dhageyso Codka Madaxweyne ku xigeenka Puntland