Madaxweynaha Dowlad gobaleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye ‘Qoorqoor’ ayaa Xarunta Madaxtooyada Puntland ee Magaalada Gaalkacyo kula kulmay Madaxweynaha Puntland Mudane Saciid Cabdullaahi Deni.
Madaxweynaha Mamulka Galmudug ayaa markii uu gaaray xarunta madaxtooyada ee dhinaca waqooyi ee magaalada Gaalkacyo waxaa soo dhaweeyay madaxweynaha Puntland iyo masuuliyiin kale.
Laba masuul ayaa iska xog wareystay xaaladda dalka iyo wada shaqeynta labada maamul iyo sidii amniga magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ay si wadajir ah uga shaqeyn lahaayeen.
Madaxweynayaasha maamulada Galmudug iyo Puntland ayaa u tegay magaalada Gaalkacyo sidii ay kulan gaar ah ay u wada qaadan lahaayeen iyada oo aysan jirin ilaa iyo hadda cid faahfaahin ka bixisay kulankaas