DEGDEG: Guddoomiyihii Suuqa Khudaarta ee Siinaay oo la dilay.

Kooxo hubeysan ayaa la sheegay inay goor dhow dileen Guddoomiyihii Suuqa Khudaarta ee Siinaay ee magaalladda Muqdisho.

Afhayeenka Maamulka Gobalka Banaadir, C/fataax Cumar Xalane ayaa u xaqiijiyey Radio Dalsan in la dilay Marxuumkaasi oo la oran jirey Cabdi Xalane Baaxuur.

Goobjoogayaal ayaa sheegay inay baxsadeen Kooxihii dilay Guddoomiyihii Suuqa Khudaarta ee Siinaay, mana kala cadda ujeedada rasmiga ee loo dilay Marxuumkaasi Allaha U Naxariisto.

Waa dilkii 2-aad ee magaalladda Muqdisho ka dhaca 48-kii saacadood ee la soo dhaafay.

Habeen hore ayey ahayd, markii ay kooxo hubeysan Masjid ku yaalla Degmadda Heli-waa ku dhex dileen Marxuum Sade Mahad Dir Guuleed (Cadcad).

Allaha U Naxariisto, Marxuumka oo ahaa Ganacsade ayaa la sheegay in la dilay xilli uu Kitaabka Qur’aanka Kariimka ku dhex akhrisanayey Masjidka.

Kooxihii dilka geystay ayaa la sheegay inay baxsadeen markii ay dileen Marxuumka, mana kala cadda ujeedada loo dilay.

©Radio Dalsan