Bam gacmeed Caawa lagu weeraray mid kamid ah Xarumaha maamulka Gobolka Banaadir

Kooxo hubeysan ayaa Caawa bam gacmeed ku weeraray Xarunta degmada Waaberi ee gobolka Banaadi, kadib salaadii maqrib.

Weerar kadib ayaa waxaa xarunta Degmada Waaberi ee gobolka Banaadi laga maqlay rasaas xoogan oo ay rideen ciidamada ilaalada ka ahaa xarunta sida aan warar ku helnay.

Dad ku sugnaa goobta xiliga uu weerar dhacayay ayaa dalsan u sheegay in dabley hubeysan salaadii maqrib kadib bam gacmeed ay ku soo weerareen Xarunta Degmada Waaberi.

Sidoo kale waxaa la sheegay in weerarka uu dhaawac kasoo gaaray hal askari oo ka tirsan ciidamada ilaalada ka ahaa xarunta.

Xaafado ku dhow xarunta Degmada Waaberi ee Gobolka Banaadir ayaa waxaa caawa ka socda baaritaano ay sameeynayan Ciidamada dowlada,kadib weerarkii halkaasi ka dhacay.

Ilaa iyo hada ma jiro wax war ah oo kasoo baxay maamulka degmada Waaberi ee ku aadan bam gacmeedkii caawa lagu weeraray Xarunta.

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor