DEG DEG:-Weerar Ismiidaamin ah oo lagu qaaday Saldhig Ciidan oo ku yaalla Jubbada Hoose

Ciidamada dowlad goboleedka jubbaland iyo kuwa xoogga dalka ee ku sugan deeganka Baar sanguuni ayaa goor dhow fashiliyay gaari nooca loo yaqaano caasi oo walxaha qarxa ay ku rakibnaayen waxaana ku dhintay labo katirsan maleeshiyada al shabaab oo saarna gaariga caasiga ah

Wararka naga soo gaaraya Gobolka Jubbada Hoose ee dowlad goboleedka Jubbaland ayaa waxa ay sheegayaan in weerar Ismiidaamin ah lagu qaaday Saldhig Ciidamada Jubbaland ay ku leeyihiin Baar-Sanguuni.

Gaariga laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa oo uu waday Ruux isasoo miidaamiyey ayaa la sheegay in uu ku dhiftay Gaariga Saldhigga Ciidamada Jubbaland ee deegaanka Baar-sanguni,waxana lagu soo waramayaa in uu jito khasaro dhimasho iyo dhaawac ah oo weerarkaasi ka dhashay.

Al-Shabaab ayaa sheegtay masuuliyada weerarkaasi ismiidaaminta ah iyaga oo sheegay in lagu dilay in ka badan Konton oo Askari,sidoo kale Saraakiisha Ciidamada Jubbaland ayaa iyana waxa ay sheegeen in weerarkasi ay fashiliyeen.