Ra’isul-wasaarda Britain iyo Boqorka Sacuudiga oo kulan ku  leh Riyadh.

Theresa May ayaa booqanaysa dalka Sacuudiga, si ay hubaal uga dhigto Maalgashiga ugu weyn Ganacsiga ee ay la leeeyihiin dalka Sacuudiga.

Ajendaha ugu weyn ee ay maanta kala hadli doono Boqorka Sacuudiga, Salmaan Bin C/casiis ayaa ah Arrimaha Dhaqaalaha iyo inay dalka Sacuudiga ka helaan Maalgashi lagu xoojinayo Dhaqaalaha Britain.

Sacuudiga ayaa ah dalka ugu weyn ee Ganacsiga la leh Britain, waxaana Badeecadaha ay ka soo iibsadeen Britain sannadkii 2015-kii lagu qiimeeyey  lacag dhan 8 BILLION oo Dollar.

Dalka Britain waxaa soo food saaray Culays dhinaca Maalgashiga, kadib, markii ay ku dhawaaqeen inay ka baxeen Ururka Midowga Europe oo ay xubin ka ahaayeen 44-sanno.

©Radio Dalsan

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media