DEG DEG: Taliyihii Nabadsugidda Degaanka Jazeera Oo La Dilay

Taliyihii Nabadsugidda deegaanka Jazeera ayaa la shaaciyay in goordhaweyd lagu dilay deegaankaasi.

Dilka taliyaha ayaa waxaa geestay rag watay gaari Kaarib ah waxaana ay rasaas ku fureen taliyaha iyo ciidamo la socday sida uu radio dalsan u xaqiijiyay Gudoomiyaha deeganka Jazeera C/casiis Xaaji.

Magaca taliyaha la dilay ayaa lagu soo gaabiyay Dhuubow.

Rasaasta ay fureen dableyda ayaa la xaqiijiyay in sidoo kale ay ku dhinteen 6-Askari oo ka tirsanaa Ciidamadda militariga soomaaliya.

Falkan weerarka ah ayaa kusoo beegmay iyadoo maanta deegaanka Jazeera ay booqdeen Xubno wasiiro ah oo ka tirsanaa Maamulka koonfur Galbeed soomaaliya.

Maamulka Koonfurgalbeed soomaaliya ayaa dhawaan si cad u sheegay in deegaanka Jazeera ay ka tirtan tahay deegaanadda uu maamulo maamulkaasi.