Wararkii ugu danbeeyay Ciidamada Wagner oo aad ugu dhow Caasimadda Moscow

Maanta dhan ciidamada Wagner ayaa u muuqday kuwo dhanka waqooyiga ka soo galaya Moscow.

Goor sii horreysay, barasaabka gobolka Lipetsk, oo koofur u jira Moscow, ayaa xaqiijiyay in Wagner ay kasoo gudbeysay gobolka, iyadoo muuqaal la arkayna uu muujinayay kolonyo ku jiheysan dhanka waqooyiga.

Xukuumadda Ruushka ayaa u muuqata inay aad uga walaacsan tahay in ciidamada Wagner ay mar dhow galaan Moscow.

Dhinaca kale Duqa caasimadda Ruushka ee Moscow ayaa sheegay in xaaladdu ay xun tahay.

“Xaaladdu waa adag tahay,” ayuu duqa Moscow Sobyanin ku yiri qoraal la soo dhigay barta Telegram.

Wuxuu intaa ku daray inay suurtogal tahay in waddooyinka qaar amaba deegaannada deriska la ah magaalada la xiro.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor

Leave a Reply