Deg Deg: Idaacada Shabeele oo Markale Hawada Laga Saaray

Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa Markale Xeray Idaacada Shabeele oo kamida idaacadaha Ka Howlgala Magaalada Muqdisho.

Sababta Rasmiga ah ee keentay in idaacada Hawada laga saaro ayaa Waxaa lagu sheegay in Idaacada ay sii deesay Hadalka Afayeenka Al-shabaab  Sheekh Cali Maxamuud Raage “Cali Dheere” kaas oo ku Aadanaa Weerarkii Shabaabku ay ku qaadeen Jaamacada Gaarissa .

Dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan waxaa ay soo saartay Amar ku Aadan in Warbaahinta Madaxa Banaan aysan sii deen karin Hadalada Masuuliyiinta Al shabaab.

Ciidamada dowladda ayaa dhowr jeer sidaan oo kale u xeray Idaacadda Shabeele ee Magaalada Muqdisho