DEG DEG: Gudoomiyaha Maxkamada sare oo xilka laga qaaday

Gudoomiyaha Maxkamada sare ee dalka Ceydiid Cabdullaahi Ilka Xanaf ayaa goor dhaw xilkasi laga qaaday sida warar lagu kalsoon yahay ay xaqiijiyen.

Madaxweyne Xasan Shekh Maxamuud ayaa xilkan ka qaaday Gudoomiye Ilka Xanaf isaga oo lagu bedelay Dr. Ibrahim Suleyman Iidle.

Shir jaraa’id oo uu Muqdisho ku qabtay la taliyaha dhinaca Sharciga ee Madaxweynaha Abuukate Cumar Dhagey ayaa lagu shaaciyay xil ka qaadistan.