Akhriso:- Xog ku saabsan Ninkii Weerarka ka gaystay Faransiiska

Ninkii ku toorriyeey labada gabdhood iyo ninka tan iyo ilaa inta ay ka dhinteen kaniisad ku taal dalka faransiiska ayaa la sheegay in uu ka yimi uun maalmo ka hor dalka Tuniisiya.

Eedeysanahan oo 21-jir ah ayaa watay Dukumenti Laanqeyrta Cas ee Talyaanigu oo la siiyey ka dib markii uu Doon Tahriibayaal ku yimid Jesiiradda Lampedusa ee Talyaaniga bishii la soo dhaafay. Waxaa toogtay booliska, waxa uuna hadda ku sugan xaalad halis ah.

Mid ka mid ah dhibbanayaasha weerarkii Khamiistii ka dhacay Notre-Dame basilica ee magaalada Nice ayaa “gebi ahaanba uu qoorta ka gooyay”.

Madaxweyne Emmanuel Macron ayaana ku tilmaamay falkan “weerar argagixiso oo Islaami ah”.

Falkan ayaa ka daba imanaya weerar kale oo horraantii bishan ka dhacay meel u dhow iskuul ku yaal waqooyiga-galbeed ee magaalada Paris. Samuel Paty, oo ah macalin, ayaa qoorta laga jaray maalmo ka dib markii uu tusay kartoon sawirka nabi Muxamed NNKH uu ku sheegay qaar ka mid ah ardaydiisa.

Dilkaas ayaa sare u qaaday xiisadaha ka taagan Faransiiska. Difaaca Mr Macron ee xuquuqda daabacaadda kartoonada iyo iskudayada dowladda ee ku aaddan la dagaalanka islaamka ah ayaa ka cadheysiiyay Turkiga iyo wadammo kale oo muslimiin u badan.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media