Haweeneydaasi oo lagu magacaabo Sylvi Listhaug ayaa si xooggan looga hor yimid, kadib, markii ay dadka Muslimiinta ee ku nool dalkaasi u sheegtay inay la qabsadaan Dhaqanka dalkaasi.
Sylvi Listhaug oo ka soo jeeda Xisbiga ka soo horjeeda Muhaajiriinta ee The anti-immigrant Progress Party ayaa lagu haystaa Qoraal ay soo dhigtay Barta ay ku leedahay Facebook, oo ku aadan Shirweynaha Qaranka ee Is-dhexgalka.
Qoraalka waxay ku qortay hadal ay u jeedisay Muslimiinta oo ay ugu sheegtay inay la qabsadaan Dhaqanka ka jira Norway.
“Halkan, waxaan cunaa Doofaar, waxaana cabnaa Alkol iyo waxaan idin tusinaa Wejigeenna” ayey tiri Sylvi Listhaug.
Waxay kaloo sheegtay inaysan shaqsi ahaan shaqo siin doonin qof kasta oo wata Niqaabka ama Indha-shareerka.
Hadalkeeda ayaa si kulul looga hor yimid, iyadoo ay Siyaasiyiin iyo dad Muhaajiriin ah dhaliileen hadalkaasi, waxayna su’aal ka keeneen haddii ay sii hayn doonto Xilka Wasiirka Is-dhexgalka Dowladda Norway.
Wasiirka Is-dhexgalka Norway waxay mar kale Barteeda Facebook ku qortay: “Idinka ma I fahmin, laakiin, waa taasi dhabaha. Ma aha markii ugu horreysay. Waxaan ula jeedaa inaan iyaga lagu khasbi doonin Alkolka ama cunista Doofaarka”.
Dhinaca kale, Zeynab Al-samarai oo ah Siyaasi ka tirsan Xisbiga Shaqaalaha Norway ayaa Maqaal ay ku naqdisay Wasiiradda waxay ku qortay Wargeyska Dagbladet newspaper.
“Haddii aad doonayso inaad noqoto Wasiirka Is-dhexgalka, waxaa waajib ah inaad bilowdid Is-dhexgalka. Ha cabsi-gelinin, hana kala qeybinin dadka” ayey tiri Zeynab Al-samarai.
©Radio Dalsan