Danjiraha Maraykanka ee Somalia oo aan ka  hawlgeli doonin Muqdisho.

Hadal ka soo baxay Waaxda Arrimaha Dibedda ee dalka Maraykanka ayaa lagu sheegay in Danjiraha cusub ee Maraykanka ee dhawaan loo soo magacaabay dalka Somalia, Stephen Michael Schwartz inay isaga iyo Ergadda Diplomaasiyiinta la socota si KMG ah uga  hawlgeli doonaan Safaaradda ay Maraykanka ku leeyihiin  caasimadda dalka Kenya ee Nairobi.

STATE DEPT. 1Bayaanka ayaa lagu sheegay in sababo dhinaca Ammaanka uusan haatan Safiirka uga hawlgeli karin magaalladda Muqdisho ama guud ahaan Somalia, sababo la xiriirta dhinaca Ammaanka.

Bayaanka waxaa kaloo lagu fasiray in soo magacaabista Danjire Stephen Michael Schwartz looga dan leeyahay sidii caadi looga dhigi lahaa Xiriirka Diplomaasiyadeed ee ay la leeyihiin dalka Somalia oo ku yaalla deegaan Istaraatijiyad u ah Gacanka Carbeed iyo Geeska Afrika.

Bishii Janaayo ee sannadkii 2013-kii, ayey Dowladda Maraykanka ku dhawaaqday inay aqoonsan tahay Dowladda Federalka Somalia, iyadoo uu Xoghayaha Arrimaha Dibedda Maraykanka, John Kerry booqasho 3 sacaadood ah ku yimid magaalladda Muqdisho  bishii May ee sannadkii hore.

Dowladda Maraykanka waxay Taageero Diplomaasiyadeed, mid Dhaqaale iyo  mid Milliteri  siiyaan Dowladda Federalka iyo Hawlgalka Nabad-ilaalinta ee AMISOM ee dagaalka xooggan kula jirta Xarakadda Alshabaab.

Dhinaca kale, Xiriirka Dowladda Maraykanka la leedahay Somalia ayaa waxa uu go’ay sannadkii 1991-kii, kadib, markii ay burburtay Dowladdii Kacaanka ee Somalia, isla markaana ay Somalia madaxa la gashay dagaallo sokeeye oo la siyaasadeeyey.

©Radio Dalsan