Akhriso:-Qodobada Maanta looga hadli doono kulanka Xildhibaanada Aqalka Sare

Xildhibaanada Aqalka Sare ee Baarlmaanka Federaalka Soomaaliya ayaa Maalintii Saddexaad oo xiriir ah  waxa ay kulan ku yeelan doonaan Magaalada Muqdisho.

Xildhibaanada Aqalka sare ayaa maanta waxa hortegi doona islamarkaana Warbixino ay ka dhageysan doonaan Gudiga amniga Aiyo Xaquuqul insaanka kaas oo loo xil saaray in ay soo baaraan duqeyntii dhawaan ka dhacday deegaanka Jilib ee Gobolka Jubbada hoose.

Wasaarada Warfaafinta Soomaaliya ayaa horay u shaacisay,in duqeyn ka dhacday degmada Jilib lagu dilay Saraakiil ka tirsan Al-Shabaab,balse qaar ka mid ah Odayaasha dhaqanka Gobolka Jubbada dhexe ay sheegeen in duqeyntaas lagu dilay 7 Ruux oo hal Qoys ka koobnaa.

Sidoo kale Guddigaan ayaa waxaa horay loogu diray in baaritaano dhab ah ay ku sameeyaan dagaalkii ka dhacay deegaanka Xeraale ee Gobolka Galgaduud iyo xiisadii Maamulka hir-Shabeelle walow xiisadaas ay dowladda Soomaaliya Go’aan ka gaartay.

Qoraa Cabduqaadir Jakaarta

 

 

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media