Wararka naga soo gaaraya Magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxa ay sheegayan in halkaasi uu ka socdo dagaal u dhaxeeyo Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo dagaalyahanada Al-Shabaab.
Dagaalka ayaa yimid kadib markii Al-Shabaab ay weerar ku soo qaadeen fariisimo Ciidamada dowladda Soomaaliya ku leeyihiin Magaalada Marka,waxaana dagaalka uu yahay mid hubka noocyadiisa kala duwan leysku adeegsanayo sida ay sheegeen dadka deegaanka.
Ilaa iyo hada lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalkaas ee kala gaaray labada dhinac maadaama ay tahay xili habeen ah welina dagaalku uu socdo.
Wararkii u dambeeyay ee hada nasoo gaaraya ayaa waxa ay sheegaaan in haatan la maqlayo Rasaas Goos Goos ah oo laga maqlayo Xaafado ka tirsan Magaalada Marka,iyada oo qof walba uu hoygiisa ku xarooday.