Trending
- Dhageyso:- Barnamijka Wareegga Wararka 24-Ka Saac Ee Radio Dalsan 9/8/2022
- Xasan Sheekh oo booqday Warshadaha soo saara qalabka Ciidamada Milateriga Uganda
- Dhageyso:- Warka Habeen Ee Radio Dalsan 9/8/2022
- Xildhibaan Odawaa oo iska diiday Xubinimada Guddi uu Magacaabay Guddoomiye Aadan Madoobe
- Lafta-gareen iyo Mustafe Cagjar oo ka wada hadlay qodobbo uu ka mid yahay Amniga Xuduudka
- Al-Shabaab oo u hanjabay dadka ka qayb qaadanaya doorashada dalka Kenya
- Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Guddi u Magacaabay arrin ka dhalatay Ansixintii Golaha Wasiirada
- RW Xamse Barre oo Xilalka u kala wareejiyay Ku-xigeenkiisa Cusub iyo RW ku-xigeenkii hore
- Dhageyso:-Warka Duhurnimo Ee Radio Dalsan 9/8/2022
- Abaaraha ka jira Soomaaliya oo maraya Heerkii ugu Adkaa
Madaxweyne-ku-xigeenka Dowlad-gobaleedka Galmudug, Maxamed Cabdi Xaashi “Carabeey” ayaa soo gebagebeeyey Shirkii Wada-tashiga ee lagu ururinayey Talooyinka ku aadan qaabka ay noqon karto Doorashadda Madaxtinimadda ee dalka ka dhici doonta sannadka soo socda.
Waxa uu sheegay inay Siyaasiyiinta iyo qeybaha Bulshadda ku nool Goballadda Galmudug taageereen in ay Doorashaddu noqoto mid ku salaysan Nidaamka 4.5 ee haatan looga dhaqmo Awood-qeybsiga ee Xilalka Dowladda.
Related Posts
Madaxweyne-ku-xigeenka Galmudug, waxa uu xusay in Ra’yi-ururinta Ergooyinkii ka soo qeyb galay Shirka Wada-tashiga ee la soo gebagebeeyey isku raaceen in Somalia lagu dhaqi karo Nidaamka 4.5..
Waa Ra’yi-ururintii ugu horreysay ee ka soo baxa Shirarka Dowlad-gobaleedyadda uga kala socday Cadaado, Garowe, Baydhab iyo Kismaayo.
Ra’yiga Reer Galmudug waxaa loo soo gudbin doonaa Madasha Wada Tashiga Qaranka oo lagu wado inay bisha soo socota Shir ku yeeshaan magaalladda Muqdisho, iyadoo lagu wada eegi doono Natiijooyinka Shirarka Dowlad-gobaleedyadda ee looga tashanayo Nidaamka Doorasho ee ka dhici karta dalka, marka ay Dowladda Federalka Somalia xilka ka degto bisha August ee sannadka soo socda ee 2016-ka.