DF iyo Ingiriiska oo ka wada hadlay dib-u-habeynta dhaqaalaha Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Biixi Iimaan Cige ayaa kulan miro-dhal ah la qaatay Safiirka Dowladda UK u jooga Soomaaliya Mike Nithavrianakis oo ka wada hadleen arrimaha dib-u-habeynta dhaqaalaha Soomaaliya iyo dhameystirka barnaamijka deyn cafinta.

Wasiirka Maaliyadda Mudane Biixi Imaan Cige ayaa Dowladda UK uga mahadceliyay wada shaqeynta dhaw ee ay kaga qeyb qaataan taageerada hagaajinta hannaanka Maaliyadda iyo fulinta Mashaariicda horumarineed ee ay ku caawiyaan Dowladda Federaaka Soomaaliya.

Wasaaradda Maaliyadda XFS ayaa waxa ay ku dadaalaysaa dhameystirka Hannaanka Deyn Cafinta, dib-u-habeynta Maaliyadda, hufnaanta iyo horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor

Leave a Reply